Madaxweyne Farmaajo oo Iclaamiyay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Posted on by jigjigatimes

, Madaxweynaha Dawalada Federalka Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa waxa uu iclaamiyay Dagaal ana kala goos leheyn oo lagu qaado Kuwa inkaarta qaba ee Magaca ula baxay in ay umada ku gumaadan, Madaxweynaha ayaa u sheegay Cutub ka dirsan Ciidamada Qalabka sida ee Dawalada Federalka Soomaaliya in u isagu diyaar u yahay in uu safka hore ka galo dagaalka kaa oo sheegay in ay Dadka iyo dalkuba diyaar u yihin in AL-shabaab la cidhib tiro,

Waxaa wali taagan Tacsidii ay dadka Badan ay dhawaan Al-shabaab ugu xasuuqeen dadka badan Magalada Muqdisho kaa oo ay ugu yaraan ku dhinteen 300 oo qof halka markii la isku daro dhawaca iyo Dhimashada ay masiibadu gaadhay ku dhawaad 700 boqol oo qof, kuwaas oo ay xitaa la kala garan wayay lab iyo dhadig waxa ay kala yihin madaama ay dab Holac ah ku solmeen ,markii lala beegsaday Weerarkii waxashnimo ee lagu gumaaday shacabka Muqdisho

Hadaba Shucuubta soomaaliyeed ayaa kacsan iyaga oo ka dareen iyo fal celinaya wax yeeladii xumeyd ee ka soo gadhay Muqdisho, madaxweynaha oo ka fa’iideysanaya Dhacdadan foosha xun ayaa waxa uu Bulshada ku gubaabiyay in ay dagaalka ka wada qeyb galaan si AL=shabaab looga cidhib tiro guud ahaan soomaalida, waxaanad mooda in ay hada shacabku diyaar u yihin in ay qaatan Hadalka ka soo yeedhay Madaxweyne Farmaajo.

TOP Domains
About the Author

Leave A Response