Manchester United oo Maanta la Garaacay

Posted on by jigjigatimes

New Castle United ayaa maanta waxay Hal iyo Ebar kaga badisay Naadiga weyn ee Manchester United, ciyaartan waxa ay ku bilaabatay tijaabo ay labada Kox midba midka kale baranayay qaab cayaareedka Kooxda kale, kaas oo ay New Castle Noqotay naadiga uu qorshaheedu shaqeeyay madama ay xadideen laacibinta u dheela Manchester United, cayaarta ayaa galin kii hore waxaa lagu kala tagay Ebar iyo Ebar, markaa waxana loo baxay nasasho iyo wada tashi, kadib markii ay labadda koox isku soo laabteen ayaa markiiba waxaa cadaatay in u José Mourinho aysan shaqeyn gubaabintii iyo fariinti uu soo faray kooxdiisa, halka uu Rafael Benítez noqday mid ay ciyaartoydiisu maqlaan shaxda uu dhigay ciyaartowgiisa, halkana waxa ay ku dhaliyeen hal Goal, Kaas oo ayna difaacdeen 3 dooda dhibcood, guushuna ku raacday

Manchester United ayaa waxaa u balansan kooxda huddersfield FC. iyaga oo kuwada kulmi doona Koobka FA cup bisha 2/17/18, taasna waxaa u xigi doona Cayaarta Champions league ee la cayaari doonto Kooxda Reer Spain ee Seville, ciyaartan ayaa lagu wada in ay dhacdo Bisha 2/21/2018, waxa ayna ku aadantahay Arbaco.

 

JIGJIGA TIMES SPORTS

TOP Domains
About the Author

Leave A Response