Shaqaaqo Maanta ka dhacday Duleedka Magalada JIGJIGA

Posted on by jigjigatimes

War Lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay shaqaaqo ka dhacday Duleedka Magalada jigjiga, Gaar ahaan (Gidibka) Kadib markii ay mudahaaraad sameeyeen Dad ka cabanayay in dhulkoodi si sharci daro ah looga qaatay, sida ay wararku sheegayaan waxaa dhacay rasaas walow aan la ogeyn in ay wax yeelo ka soo gaadhay dadkii mudaharaadka ka sameynayay Duleedka Jigjiga ee loo yaqaan Gidhibka,

Sida aan warka ku heleyno boolis badan ayaa lagu daabulay agagaarka ay shaqaaqdu ka dhacday si ay u kala caydhiyaan dadka Badan ee ka gadooday dhulalka laga qaatay, Dawaladda Deeganka ayaan wali wax war ah ka soo saarin shaqaaqada maanta ka dhacday agagaarka Magalada Jigjiga, Gaar ahaan Gidhibka,

Baryahan danbe waxaa isa-soo taraya cabashada bulsho-weynta deeganka soomaalida iyaga oo ka cabanaya dulmiga iyo dhul-boobka ka hirgalay deeganka kaas oo barokicin ba,an ay xukumadu ku hayso shacabweynaha Deeganka Soomaalida Ethiopia

Warkii ka soo kordha arinkan kala soco shabakadan afka dheer ee ka hadaasha Arimha deeganka.

TOP Domains
About the Author

Leave A Response