FAARAX MACALIN OO KA HORYIMID WADA-HADALKA ETHIOPIA IYO ONLF

Posted on by jigjigatimes
Wada hadalka Ethiopia iyo Jabhadda Onlf

Wada hadalka Ethiopia iyo Jabhadda Onlf

Gudoomiyihi ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya, Mudane Faarax Macalin ayaa ka horyimid wada hadalka u dhaxeeya Dawalada Ethiopia iyo ururka Onlf, kaas oo uga sacodo wada-hadal laba Geesla ah oo ay labada dhinac kaga wada tashanayaan xurguftii dheerayd ee labada dhinac u dhaxaysay ku dhawaad 35 sano, faarax macalin oo isagu ah aqoonyahan ahna siyaasasi caan ah oo u dhashay wadanka kenya xilal-waaweyna ka soo qabtay wadankaas kenya hadana ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee u hogaanka u yahay Raila Odinga ayaa ku tilmaamay danta ay shirka ka leedahay dawalada Ethiopia, mid ay rabto in ay danteeda khaaska ka gaadho aysan waxba u ogelyn Bulshada Deeganka ku dhaqan waa sida uu hadalka u dhigaye

Mudane Faarax Macalin ayaa  sheegay in ay Ethiopia rabto in ay uga faa’ideysato Wada hadalakan carqaladaha ka aloosan inta badan Ethiopia, kaas oo ay qomiyadaha Oramada iyo Axmaaradu ay Mudaharadyo balaadhan oo isdaba jooga ah ka dhigayeen inta badan deeganada labadaas qoomiyadood  iyaga oo ka cabanaya in ay dawalda dhexe ku sameyso dadyoga aan ka soo jeedin qoomiyada Tigrayda haybad-sooc dhinac walba le, kaas  oo sababay in dad badan la xidho, iyada oo aan loo marin Qaynuunka wadanka

Ma aha mirkii ugu horaysay ee ay labada dhinac isku arkeen shir noocisan oo kale ah, lamana oga wax-yaalaha ay heeshiis waara ku wada gaadhi karaan madama oo ay marar badan is arkeen balse aysan labada dhinac wax heshiis ah oo ay labada dhinac u cuntama aysan ka gaadhin

Dawlada Ethiopia ayaa markasta waxa ay Udub dhexaad ka dhigataa in loo wada hadlo si Ethiopian,nimo ah halka ay Jabhada Onlf ku doodo in ay Tastuurka Ethiopia usan quseyn dadka soomaalida rabaana in ay iyagu ayahooda ka tashadan, taasina waxa ay wada hadalada ku noqotay laf-dhuun gashay oo wax natiija ah wadahadalada labada dhinac way ka Gaadhi-waayen

Shirkan waxaa markii koobad si,cad uga qeyb galay Madaxweynaha Deeganka Soomaalida, Mudane Cabdi Maxamud Cumar isaga oo ay mataleen sadex xubin uu qofka ugu cad-cad uu yahay shaqsiga ay soomaalida u taqaan General Gabre, halka uu heshiiskan uga qeyb galay Jabhada Onlf,(Cabdiraxmaan Mahdi Maaday) iyo 3 shaqsi oo mudo dheer xubin muhiim ah ka ururka Onlf.

Dad u dhuun duleela Jabhadan ayaa inta badan baryahaan barta bulshada ay ku kulanto ee (Social Media’yada) soo dhigayay hadalao, qoraal iyo muqqaalo ay ka codsanayeen in shirka la sugo inta uu soo af-meermayo, iyaga oo tageerayaasha Onlf ku boorinayay in aysan kutri-kuteenka suuqa moodin dhab, halka ay dad badan oo jabhadda taageera ay ku doodayaan in ay jabhadu hada noqotay hawul-gab oo ay ka soo dabacday meesha ay taagneyd awal hore, diyaarna ay u yihin in ay aqbalaan in loo wada hadlo si Ethiopian,nimo ah lamana oga waxa ay ka yeeli doonaan dadka aad ku taageera jabhada in ay aqbalyaan walka ay ugu taliyaan hogaamiyaasha tunka weyn ee Jabhada Onlf.

 

 

JIGJIGA TIMES NEWS

TOP Domains
About the Author

Leave A Response