Mudaharaadyo waaweyn oo wali ka socda Deeganada Oramada iyo Xabashida

Posted on by jigjigatimes

Ilo, lagu kalsoonyahay ayaa waxa ay sheegayaan in ay dibad-baxyo waweyn ka socdaan deeganada xabashida iyo Oramad ku waas oo maalinba maalinta ka kuxigta ka sii xogeysanaya, kumanaan qof ayaa waxa ay labada Gobal isagu soo baxeen wadooyinka iyo barxadaha Magaalooyinka iyo dagmooyinka deegaanadas, dibad baxayaashan ayaa waxa ay hal dhig ka dhigteen erayo lid ku ah Dawalada Dhexe ee Ethiopia iyo ururka TPLF,

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay isku dhacyo ka dhaceen goobo ay shacabku isagu soo baxeen si ay mudaharadeen kadib markii ay cidamada amaanku isku dayeen in ay kala caydhiyaan, mudaharadayaasha lama oga khasaaraha dhabta ah , dawalada dhexe ee Ethiopia ayaa markii ugu horaysay qiratay in ay jiraan Muxaabis loo xidhay fikirkooda iyaga oo aan wax danbi ah geysan

balan qadeyna in la sii deyn-doono dhamaantood, balse dawalada ayaa dib hadalkaas uga guratay oo kaliya waxa ay Sheegtay in la sii, deyn doona qeyb ka mid ah dadka xidhan, ma aysana cadeyn waxa lagu sifeyn doono dadka la sii deynayo iyo cadadka uu la, egyahay danbiga awal lagu xidhay

Ethiopia oo ah wadan marti galiya hayado muhim ah oo ay ka mid tahay African Union iyo qeyb ka mid ah United Nations ayaa baryahan danbe waxaa ka jiray daganaasho la,aan siyaasadeed kaas ay wadamo badan ka cabsi qabaan in u burbur ku yimaado wadanka, Qoomiyada Oramada ayaad sanadahan mooda in ay cabsidii meel iska dhigeen oo ay rabaan in ay arimahooda gudaha iyagu ka tashadaan iyaga oo aan lagu amrin in ay siyaasadoodu dhinca u janjeedho.

 

JIGJIGA TIMES NEWS.

 

 

 

TOP Domains
About the Author

Leave A Response