Sababta keentay in uu is-casilo Hailemariam Desalegn

Posted on by jigjigatimes
Ra,iisa-lwasaariha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa shalay warqaddiisii iscasilaadda gudbiyey. Iscasilaaddan la yaab ka ah ee Ra,iisa-lwasaariha Ethiopia ayaa ku soo beegmaysa xilli uu waddanku wajahayo buuq iyo jahwareer siyaasadeed oo ilaa 2015 kii ka aloosneyd qeeybo badan oo ka mid Goballada Oromadda iyo Xabashidda
 
Dawladda Ethiopia ayaa dhowaan xabsiga ka sii daysey boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah oo ay ku jiraan qaar amid ah mucaaradka waddanka ugu caansan Ethiopia . Siideyntan siyaasiyiinta iyo weriyayaasha Madaxabanaan oo ay badankoodu ka soo jeedaan qowmiyadda Oromada  ee dalka ugu badan ayaa lagu soo dhaweeyey dabbaaldeg iyo farxad. walow ay jiraan Kumanaan si qalad ah xabsiga ugu jira, kuwaas oo aan xitaa qorkood la ogeyn in ay noolyihin iyo in ay dhinteen
 
Hadaba waa maxay Sababta keentay uu Ra,iisa-lwasaariha iskii isku casiley ?
Dawalada Ethiopia waa dawlad guun ah oo soo jireen ah oo ku dheeraysa Qarinta siyaasada dhabta ah ee lagu Xukump dalka iyo shacabka ay dalka ku tahay, kaas oo awoow ka awoow shuucubta Ethiopia bartay in ay ku hoos nooladan Gacan bir ah. kaas oo ay xukuumadba, Xukuumadda k a danbeysa  midka kale ka sii gacan kuluul ula dhaqmi jirtay bulshdda kala duwan ee ay Ethiopia hoyga  u tahay, inta badanna dad-ka waxa aqliya/maskaxiyan laga dhaadhiciyay mudo badan in aysan jirin nolol ka fiican tan ay ku jiraan hada
Waxaana inta badan hantida iyo awooda dalka Ethiopia ay ugu jirtay hal qoomiyad oo cadow ka dhigata dad-yowga kale ee ku dhaqan Ethiopia, taasina waxa ay abuurtay in ay in ar dharagto inta badana ay calool madhan ku seexato, hadaba maanta waxaa kalifay in  la helo dad ka dhiidhiya dhibka lagu hayo waa shacabka ayaa waxa ay ku baraarugeen xili ay maatiidoodi laga dhigay in xabsi hooy looga-dhigo iyo in badda naf mooday si ay u raadsadaan nolol-nolashan dhaanta, hadaba soo hadhenkii ku jiray gudaha waddanka ayaa waxa ay ka dhiidhiyen xaalada aan ka soo reynta aan laheyn ee ay maalin kasta ku suganyihin waxa ayna dhaheen mar-bay dhimashadu dhanta nolol duli-nimo oo ay ku nooladan
Ra,iisa-lwasaariha  Hada is-casilay ee Ethiopia Hailemariam Desalegn waa nin lagu keenay kacan ku rimis, aan awood sidaas u baddan ku laheyn wax yaalaha waaweyn ee masiiriga ah waxana wadanka si cad oo aysan shaki ku jirin Ethiopia uga taliya Saraakil U dhashay qoomiyadda Tigreyda oo ah qoomiyada ugu tirada yar qoomiyaddaha kala duwan ee ku nool dalka Ethiopia, taasina waxa ay sababtay in uu Hailemariam Desalegn, ku wareero sida qalafsan ee isaga iyo dalkaba loo maamulo,  Dabateedna uu isticmaalo aqoontiisa Maadama uu yahay shaqsi aqoon-yahan ah doora biday in u xilka iska casilo inta aysan Seefta Sargaaladda, Tigerydu qoorta ka jarin, waxana hadaladiisa markii u is-casilay laga dhadhasan karaa in u xaal u wayay in u hogaan biyo kama dhib-caan ah ka noqdo Ethiopia usan awood u laheyn in uu xaliyo Cadaalad darada ka jirta Ethopia.
Is-casilaadda Ra,iisa-lwasaare Hailemariam Desalegn oo dad badan amakaag ku noqotay waxa sabab u ah dibadbaxyada iyo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee waddanka Ethiopia hareeyey muddooyinkii la soo dhaafay iyo wakhti xaaddirkan ayaa dad u dhuun duleela siyaasda Ethiopia ay sheegayaan in ay arintan aysan aheyn mid ku soo boodo ah uu in dhawaano ahba damacsana in uu xilka iska wareejiyo Hailemariam Desalegn, balse loo diiday in uu is-casilo, hadana waxaad mooda in u helay fursad dahabi ah oo uu sumacadiisa liidata ee hada kaga tago kursigiisa mid isaga magaciisa xooga nolasha ku soo celisa
 
Boqolaal qof ayaa ku dhintay muddaharaadyo gacan-ka-hadal isku beddelayey oo Ethiopia ka bilaabmay sannadkii 2015. Sababta dibadbaxyadani u bilaabmeen waa in dawladda Ethiopia qorshaysay inay fidiso xuduudda magaalada Addis Ababa iyada oo khatar gelisey dhulka Oramadu ku nooshahay.
 
Qoymiyadda Oromadda oo isdareensiisay inay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba ku dulman tahay nidaamka Ethiopia iyada oo haddana ah tan ugu tirada badan waddanka ayaa bilawday dibadbaxyada dawladda lagaga soo horjeedo. Ka dib, qowmiyadda Amxaaradda ayaa iyana ku xigtey oo bilawday inay ka soo horjeesato xukuumadda hadda jirta.
aysalwasaaraha Ethiopia oo shalay shacabka reer Ethiopia la hadlayey ayaa yiri “deganaansho la’aanta iyo dhibaatooyinka siyaasadeed [ee waddanka ka jira] ayaa sababay dhimashada dad badan iyo barakaca qaar kale”, waxa uu Raysalwasaaruhu intaas ku daray “Iscasilaaddayda waxa aan u arkaa mid muhiim u ah dedaalka loogu jiro in la sameeyo dibuhabaynno badan oo keeni doona nabad iyo dimuqraadiyad waarta.”
 
Raysalwasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in uu si kumeelgaar ah xilka u sii hayn doono inta Xisbigiisa iyo Baarlamaanka dalku ay ka aqbalaan iscasilaaddiisa, Raysalwasaare cusubna u soo dooranayaan.
 
isku soo duub oo waxa muuqata in sababta uu Raysalwasaaruhu isku casiley ay tahay buuqa siyaasadeed ee waddankiisa beryihii ugu danbeeyey ka jirey kaas oo mugdi geliyey mustaqbalka waddanka Ethiopia oo ah waddanka labaad ee Africa ugu tirada badan iyo weliba mid kamid waddamada ugu dhaqaale koboca badan qaaradda.
 
  • Maxaa xiga iscasilaadda Raysalwasaaraha?
 
Sida aan kor ku xusan Ethiopia waxa ay sannadihii ugu danbeeyey wajahaysey culays siyaasadeed iyo deganaansho la’aan. indhaha caalamkuna waxa ay ku hayen il, dhow maaddama ay caalamku siyaasn Malaayiin Doolarka Maraykanka ah si ay u dhawran Nabada galayada Ethiopia iyo tan geeska Africa.
 
Labada qowmiyadood ee waddanka ugu badan, Oromadda iyo Amxaaradda, ayaa dawladda ku kacay iyaga oo u arkayey mid u shaqaysa qowmiyadda Tigreyga ee tirada yar. Hailemariam Desalegn hadda iska casiley kursiga Ra,iisalwasaaraha waxa badi dadweynaha reer Ethiopia u arkayeen mid ay ku şhaqayştaan Tigreygu oo danahoodana ku fushada isla markaana aan Awoowd aan sidaa u sii buuran laheyn.
 
Sida muuqata, Xisbul-xaakimka talada Ethiopia gacanta ku haya iyo weliba ruugcaddaaga siyaasadeed ee daaha dabadiisa ka taliya waxa ay arkeen inaanay xoog ku maquunin karayn isla markaana ku aamusin karaan dadka mucaaradka ku ah siyaasaddeeda. Sidaasi awgeed, waxa ay bilaabeen inay siyaasaddoodii adadayga badnayd wax ka beddelaan.
 
Dawladda Ethiopia iyada oo isbeddelkan hirgelinaysa isla markaana siyaasad ahaan soo debcaysa ayay ku dhawaaqday in ay sii deyn doonto maxaabiista siyaasadeed ee kumanaanka dhaafaya, ballanqaadkaasna waa ay fulisey ka dib markii Oromadu ay aad u muddaharaadeen iyaga oo dalbanaya siideynta maxaabiista siyaasadeed ee qowmiyaddooda ka soo jeeda.
 
Waxa sidoo kale ayaamihii la soo dhaafay waddanka Kenya wadahadal uga socdey jabhadda ONLF ee xoraynta Ogadenia iyo Xukuumadda Federaalka Ethiopia. Wadahadalkan ayaa la sheegay in xukuumadda Ethiopia ay ku doonayso soo xeragelinta jabhaddan in muddo ah dagaalka kula jirtey.
 
Ugu danbayntii, iscasilaadda Ra,iisalwasaaruhuna waxa ay sida la filayo qayb ka tahay qorshe ay dawladda Ethiopia ku doonayso inay ku xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalka ka jira.
 
Muddooyinkii la soo dhaafay waxa dalka Ethiopia gudihiisa la isla dhexmarayey in Ra.iisalwasaare cusub oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda loo dooran doono jagada Raysalwasaaraha iyada oo looga gonleeyahay in qowmiyaddaas lagu dejiyo.
 
Haddii ay tani run noqoto, oo isbeddel dhab ah uu ka dhaco xisbiga talada haya dhexdiisa, waxa la saadaalinayaa in siyaasadda Ethiopia ay ugu yaraan degi doonto. Haddiise jagada Ra.iisalwasaaraha lagu buuxiyo qof u shaqeeya qowmiyadda Tigreyga oo aan awood fiican lahayn, isla markaana waddanka aan laga samayn isbeddel siyaasadeed oo ballaadhan oo dhab ah, lana xallin waxyaabaha tirada badan ee mucaaradku ka cabanayo, waxa Khalkhal iyo mugdi geli doona mustaqbalka Ethiopia iyada oo aad moodid in maalinba maalinata ka danbeysa uu  xaaladda waddanku gacanta ka sii baxayo ayna adkaan doonto xal-u-helidda dhibaatada siyaasadeed ee dalkaas.
 
Isku soo wada duub oo xalka Ethiopia iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed waxa uu hadda ku jiraa iyada oo uu dhaco isbeddel kor ilaa hoos ah oo meesha lagaga saarayo nidaamka adadag ee hadda ka jira dalkaas, iyada oo la unkayo nidaam cusub oo ilaalinaya xuquuqda aadamaha, mucaaraddada iyo xorriyatul-qowlka.
Gunaanadka Qoraalkan Qoomiyada Soomaalida Ethiopia ayaan iyagu haa ama maya ka dhihi karin xaalkan cakiran ee ay hada Ethiopia gashay taasna waxaa abuuray kaligiis taliye dadka dhaga tiray oo cabudbis iyo xadhig caado uga dhigay bulshoweynta DDSI, Maadama uu Hailemariam Desalegn waxana ay saadashu tahay in u Madaxweynaha DDSI, Cabdi Maxamud Cumar ay seeftu dul-sarantahay maadama ay kow ama laba ka tahay wax yaalaha ay Oromaddu ka cabanayaan taasna waxa laga yaaba in ay Farajad u noqoto shacabka Qiimaha badan ee ku dhaqan deeganka Soomaalida., 
  • www.jigjigatimes.com
  • Maxamud Jigre 
TOP Domains
About the Author

Leave A Response