BEELWEYNTA CAWLYAHAN EE GOBALKA AF-DHEER OO WADA-TASHI DHEER KADIB KU BIIRTAY URURKA DULMI-DIID

Posted on by jigjigatimes

War hada ku soo Dhacay War-qabaddka JIGJIGA TMES, Beelweynta  CAWLYAHAN ee ka soo jeeda gobalka Afdeer ee Dawald deeganka Soomaalida Ethiopia ayaa wada-tashi dheer kadib ku soo biirtaay Ururka ku bahoobay Daladda Dulmi-Diid, halkaas oo ay si cad u sheegan in maanta waxii laga bilaabo ay hiil iyo hooba la garab-taganyihiin ururka Dulmi-diid si ay deeganka uga dhacdo isbadal dhab ah oo ka hirgala DDSI, Belweynta ayaa si cad u sheegtay in loo baahanyahay cadaalad taam ah oo Bulsho-weynta DDSI wada deeqadda oo aan cidna laga tagin, shirka ay beelweynta CAWLYAHAN  ee gobalka Afdeer, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Suldaan Maxamed Bade, ahna gudoomiyaha guud ee Jaaliyadaha Ethiopia ee North America,  Gudoomiyaha DDSI ee North America, Mudane ABDINUUR HASSAN AABI  iyo Af-hayeenka Ururka Dulmi Diid, Mudane Bashir Garaad halkaas oo ay shir ku wada qaateen beelweynta CAWLYAHAN iyo gudiga  Dulmi diid .

beelweynta Cawlyahan iyo Dulmi Diid ayaa isku af-gartay in loo midoobo, sidii ay uga wada shaqeyn lahyeen in u deeganku ka baxo marxalada addag ee uu ku jiray 8 sano ee ugu danbeysay, Belweynta ayaa carabka ku dhufatay sida ay uga go,antahay in lahelo isbadal dhab ah oo ka hir-gala deeganka Soomaalida Ethiopia si ay dadku u helaan hurumar iyo cadalaad dhab ah iyo la xisaabtan dhab ah, si u loo,helo sareynta sharciga iyo la xisaabtan dhinacyo badan-leh oo lagula xissabtamayo masuuliyiinta heerarka kala duwan ee deeganka ka Arimiya

Hadaba Beelweynta CAWLYAHAN , ee gobalka afdheer waxa ay ka codsaneysaa dhamaan Belaha  ee sharafta mudan ee ku dhaqan ama ka soo jeeda Deeganka Soomaalida, Ethiopia in ay ku soo biraan Ururka Dulmi-Diid, si xal waara loogu helo xaalada ka sii dareysa ee deeganka jirta

Gunaanadka, Ururka Dulmi-diid ayaa Gacmo furan ku soo dhaweeyay, Beelweynta Cawlyahan ee Gobalka Af-dheer ugana mahadceliyay sida walaal-tinimada leh ee ay isku xil’qaamen in ay xubin muhiim ah ka noqdaan DULMI-DIID, Kuna booriyay qeybha kale ee bulsho’weynta DDSI, in ay ku soo biraan Dulmi-Diid markastana ay gacmo furan iyo walaaltimo buuxda ku soo dhaweyn donaan cid ala cidkasta oo ka damqata dhibka lagu hayo shacabka DDSI.

 

www.jigjigatimes.com

TOP Domains
About the Author

Leave A Response