MAXAABiIS BADAN MAANTA XABSIGA LAGA SII’DAYAY (DDSI)

Posted on by jigjigatimes

Sida aan wararka ku helayno maxaabis gaadheysa, ilaa 1500, yaa maanta oda, laga rogay, maxaabistan ayaa in mudo ah ku xidhnaa xabsi , kuwaas oo intooda badan u xidhnaa shaqsiyaad ka tirsan taliska hada ka arimiya deeganka, balse aysan jirn wax dhib ama danbi ah oo ay bulshda ka galeen, badi inta badan maxaabistan ayaa loo xidhay in ay la dhasheen ama ay ehel yihin shaqsiyaad jooga qurbaha oo ka soo hor jeedda siyaasada Deeganka

Allada ku hadasha AFKA xukuumadda DDSI, ee Cakaaranews ayaa sheegtay in ay maxaabiistani dhaqancelin ugu jireen xarunta dhexe ee dhaqan toosinta DDSI, (waa sida ay hadalka u dhigeene) Aduunka ku dhaqama sharciga iyo kala danbeynta inta badan kama dhacdo in 1500 qof intii la iska xidho hadana uu shaqsi go,aamiyo in la sii daayo, balse DDSI inta badan Sanaddahan danbe waxa ay noqtay arintani Aragti xisbi, taas oo keentay in ay dad badan oo ka soo jeeda DDSI ay dhahaan waxaan rabna isbadal dhab ah iyo sareynta sharciga in ay ka hirgasho

JIGJIGA TIMES, markasta waxa ay soo dhaweyna in ay dawalada DDSI isa,saxdo oo ay waxii khladdad ah u saxdo iyadda oo fiirinayso danta guud, ee fayaqabka sareynta sharciga iyo sinaanta, dadka u bahaan in ay maanta Xabsiga ku jiraan waa dadka Boli, ku naaxa ah ee mooday in ay iyagu yihin dawaladii, kuwaas oo markasta ku tagrifala shaqadda ay shacabka u hayaan hadii usan jiran wadda xisaabtan dhab ah marna lama gaadhayo hadafkii ahaa in ummadda laga saaro gaajadda iyo abaaraha soo noqnoqda ee inta badan ka dhaca deeganka

Madaxweyne Cabdi’Maxamud Cumar wuu ku  mahadsanyahay in u qalinka ku duugo in ay dadkan badan helaan xoriyadoodi, balse waa in u hoos u fiirya inta isaga ka garab dhow ee inta badan taladda xun ee magac bi,iska ah hor wadda, waa biyo kama dhibcaan in ay kaliya madaxweynaha u garabjoogan in ay xooga shilimo ah oo danta guud loogu tala galay u galiyaan jeebabkooda danta gaar,ahaaned, taasna waxaa xumaanteeda iyo wanaageedda dusha saaranaya Madaxweynaha, daddka ku dhaw-dhaw madaxweynaha ee had iyo jeer taladda qaloocsan la horjooga waa in ayga la baraa waxa u xabsigu yahay si u dareeman mala,awaalka ay dadka isaga xidh-xidhaan had iyo jeer.

 

Xaquqdda Sawirka waxaa iska leh Cakaaranews

TOP Domains
About the Author

Leave A Response