Somaliland oo u muuqata in ay gashay Wadaddi burburka

Posted on by jigjigatimes

Somaliland oo u muuqata in ay gashay Wadaddi burburka?

Somaliland oo ah Jamhuuriyadda kaligeed is magacowday ayaa waxa ay mudo ku soo jirtay Nabad iyo daganaan, siyaasadeed kaas oo aduunyada kale ka gadi’jirtay in ay tahay dal buuxiyay sharuudihi dal lagu aqoonsanjiray, balse aan caalamka ka helin wax codsigaas ka hoos qaada,

Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay Soomaaliyadda kale ka go’oday soona cesheetay ka midnaanshaheedi, Soomaaliya ee midowgii 60,kii , Somaliland ayaa ku dacwoota in ay ahaan, jirtay dal madaxbanaan inta asan ku biirin Soomaali-weyn, balse dad badan ayaa arintaas ka soo horjeeda oo qaba aragtiyo kale ah in u dhulka soomaaliyeed waligiis mid ah, loona qeybiyay qolo qolo iyo Deegan, Deegan xiligii isticmaarka Talyaaniga iyo ingiriiska,

Sida horay ku xusan Somaliland waxa ay qeybaha kale ee Soomaaliya kaga ficneyd, nabad iyo siyaasad dagan, balse 6 sano ee ugu danbeysay waxaa Somaliland ragaadiyay musuq-maasuq iyo siyaasad hal dhinac u janjeedha, oo aysan inta badan shacabka Somaliland la dhacsaneyn, kaas oo abuuray gobaladi la,isku odhan jiray xiligii isticmaarka, British-Somaliland ama waqooyiga-Somaaliya in ay  qolba, qoladakale dhinac uga gurato, oo goni u sameystaan dawlado, dhawuur ah Sida, Awdal State of Somalia, Maakhir, state, of Somalia, iyo khaatumo state of Somalia, hadaba intii lagu dhawaaqi jiray state,yada kor ku xusan, Somaliland waxa ay isku dayday in indhaha caalamka ka leexiso oo ay tidhaah Somaliland waa mid, balse hada ayaad mooda in ay indhaha Caalamku fiiro gaar ah ku fiirinayaan sheegashada Somaliland ee ah in ay Somaliland tahay hal, leedahayna hal talis oo dhamaan xukuma Somaliland

Hadaba Bishan aan hada ku jiro waxaa Cariga Maraykanka loga dhawaaqay, Dawalad aan aheyn tan hada loo doortay in u madaxweyne Muuse biixi hogaan ka noqdo,

Mustafe Martin Maxamed ayaa dhawaan ku dhawaaqayin uu yahay madaxweynaha United Somaliland Front oo saldhiggeedu yahay qurbaha, Mustafe Martin Maxamed, ayaa ah Aqoonyahan ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya ama Somaliland, iskaga

Somaliland oo u muuqata in ay gashay Wadaddi burburka

Somaliland oo u muuqata in ay gashay Wadaddi burburka

ka dhawaajiyay in ay gabi’ahaanba burburtay waxii la, dhihi jiray Somaliland, kaas oo isku badashay Jeeganland, waa sida uu hadalka u dhigaye, Mustafe Martin Maxamed,

Mustafe Maxamed Martin ayaa sheegay sababta ku kaliftay in u isaga iyo inta la fikirka ahi ku dhawaaqan madaxweyne qurbo-joog ah, waxa uu ku jawabay sababtu waa Somaliland waxa ay noqotay meel ay hal qolo ama hal qabiil uu sida uu rabto u maamusho dadkii kale eek u bahoobay Somaliland waxa ay noqdeen dad dabka dibada ka kulaaxa oo aan dhib moye aan dheef ku qabin waxii lagu heeshiyay ee ahaa in loo simanaado siyaasada iyo dhaqaalaha Somaliland

Taasina ay keento waa sida uu hadalka u dhigaye in ay fadhiga ka kacaan oo ay bad-baadiyaan Somaliland, kana dulqaadan heeryada cadaalad xumadda iyo hurinta colaadaha dadka wada daga Somaliland, waxa uuna carabka ku dhuftay Mudane Mustafe Martin Maxamed in uu caalamka kala hadlay in ay isaga u aqoonsadaan in uu noqdo madaxweynaha dhabta ah ee Somaliland, waxii talo ama tusaale ku saabsan Somaliland isaga loo so, maro, wallow aysan jiran Caalam si toos ah uga hadlay Sheegashada, Mustafe Martin Maxamed, balse waxaa jira guux weyn oo ka jira Social medi’yaha kaas oo aad moodid in ay Bulsho-weynta Somaliland Soo dhaweynayaan hadalada uu ka soo yeedhaya Mudane Mustafe Martin Maxamed

 

Sida wararka aan ku heleyno isla mantaa Madaxweyne Labaad oo cusub ayaa qurbaha lagu Caleemo saaray waxana magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Xassan suudi , kaas oo arinta Somaliland ka dhigaya Dhoobo-waraari horle oo aan wali looga baran Somaliland hada ka hor

Somaliland waxaa ay hada wajaheysaa siyaasad xumo, dhaqaale xumo, iyo colaad xun oo baahsan waxana taas u dheer oo hada ka dhex aloosan Colaado isku jira mid ay Abaari keentay iyo mid uu keenay saad-bursi, aan dhaqaalaha Somaliland loo,wada sineyn.

Tuhunka dhabta ah ayaa Cabiraya in Qolo ma Group yar ay si qeyru caadi ugu takri-falaan Dhamaan dhaqaalaha Somaliand, taasina waxa ay sababtay in ay nolasha Somaliland noqoto Laba dabaq oo midna Hoseeyo midna uu qeyru caadi u Sareeyo oo ay Meesha ka baxdO nolashii dhexe , ee lagu yaqan bulsho isku dheeli tiraan karta markii ay dhaqaalo xumo timaado,

Somaliland ayaad mood siyaasinta hogaanka u haya in ay noqdeen sida tugii markuu wax kale oo u xado waayo, iibiya kabaha iyo dharka uu qabo, taas waxaan ka wada Masuliiynta Somaliland oo aan haysan Aqoonsi calami ah ayay waxa ay inta badan bulshada Somaliland ka dhaadhiciyaan in ay wadan kale la saxeexdeen mashaariic hurumarined, taas oo ,marka danbana isagu dibo-shubata in ay Group yari iska saxeexen hanti ma, guurto ah oo an cadad lacgeed lagu soo koobi Karin, ama lagu qiyaasi Karin, calol, xumana iyo niyad jabna ku rida shacbka marka ay xeedho iyo faldhaan kala dhacaan

 

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa Shacabka Somaliland ku akhriya markasta in aysan wax cilaaqad ah aysan ka dhaxeyn dawalada dhexe ee Somaaliya taas oo ah been cad ah oo an waliba darbi loogu soo gaban,sharuucda Caalamiga ahi waxa ay dhigayaan hadii uu wadan rabo in uu iibsho hanti ma, guuran ah in uu yahay wadan u madaxbanaan hawulihiisa iyo khayeraadkiisa, taasna Somalland hada ma heysto oo wax kasta oo maalgashi shisheeye ku saabsan waa in uu marka hore Muqdisho ogolaansho ka heysto, inta badana waxaa dhacda in si qarsoodi ah loo kala saxeexdo, wax yaalo badan oo aysan marka sharciga caalamiga ah loo fiirsho aysan waxba ka hirgali Karin, balse dadka reer Somaliland laga dhaadhiciyo hadii waxan la saxeexo in ay badu macaanan, donto, laguna heli doono aqoonsi taam ah oo ay Somaliland ku horU-marto?

Isku soo wada duubo Somaliland fursada kaliya ee ay haysto mantaa waa in ay Federalka ka xag-xagato waxii ay xaqa u laheyd oo ay dadka u sheegto in ay isku dhamaatay riwaayadii hore, ee aheyd waxaan nahay dal madax-banaan oo aan u bahneyn Soomaaliyada kale,

Musuq-maasuqa somaaliland ka jira wakhti xaadirkan waxaa ka marag-kacay shacabka iyo inta xalaal ku noolka.

Wasiirka cusub ee biyaha Somaliland ayaa noqday ninkii koobaad ee intuu mashrax isa, sooagoo si cad u sheega in aysan jirin biyo galin u soo socota Magaaloyinka Waa,weyn sida hargeysa, boorama iyo burco, $375 million ee dollar ee loogu tala galay biyo galinta Somaliland aan waxba mantaa lagaheyn halka ay ku danbeeyen iyo cida loo raaci doono

Masuuliyiinta Somaliland waa in ay u sheegan jiilka hada soo ka caya xaaan dibada lagu aadin wax ka baxsan aqoonsiga calanka buluuga ah ee ay xiddigtu, dhexda kaga xardhantahay, hadii kale bulshada Somaliland waxa ay noqon donaan in ay colaad sokeeye leyso iyo dhalin bada ku dhamaato si ay u helaan nolal ka duwan, mala,awaalka ay ku madadaaliyaan shaqsiyaadka dhiig ku,naaxa ah ee Somaliland ka dhigtay dukaan bacadle ah oo ay iyagu si gaar ah u leeyihin.

 

Maxamud Jigre

www.jigjigatimes.com

 

TOP Domains
About the Author

Leave A Response