Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in gaadiid qaraxyo sida soo galeen magaalada Muqdisho

Posted on by jigjigatimes

Dawladda Soomaaliya ayaa digniin dagdag ah ka soo saartay gaadiid ku cabaysan walxa-Qarxa oo gudaha u soo galay Maagalo Madaxdda Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka waxaa lagaliyay feejignaan sare si ay uga hortagaan dhibka culus ay geesan karaan gawaadhidan loogu soo tala galay in ay wax yeeleyaan shacabka ku nool Muqdisho., Warkan ay Dawaladu maanta shaacisay ayaa waxa ay dhamaan cidamada amniga ku amraysaa in ay feejignaan dheeri ah u yeeshan Gawaadhidda laga shakiyo aysan indhaha ka biliqsan ilaa inta ay gacamaha ku soo dhigayaan Gawaadhiidan aan la tiradooda la cayimin ee soo galay Muqdisho,

Caasimadda Soomaaliya ayaa in mudo ah aysan ka dhicin wax qaraxa kaas oo ay inta badan shacabku dareemen nolol bilaa qaraxa oo ay danahooda ka raacdaan iyaga oo aan ka cabsi qabin tolow halkeebad gali oo aad qarax kala kulmi

Shirkii golaha Wasiiradda ee maanta ayaa looga hadlay warbixino amni oo la helay iyaga oo ka  digay qatar ka iman karta qaraxyo ka dhaca caasimadda.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Golaha Wasiirada siiyay warbixin ku aadan xaaladda amniga ee Muqdisho, isagoo sheegay in la helay xog sirdoon oo sheegaysa in ay gawaari qaraxyo sida soo galeen magaalada Walxaha amaankana lagu amray in ay sameeyaan Feejignaan dheeri ah sidii ay uga hortagi,laheeyn dhibka ka imaan kara waa hadii ay Gawaadhidani ku dhex qarxaan goobi uu shiishku hayo oo ay kooxaha argagixisadu ka soo maleegeen meel ka baxsan Magaladda Muqdisho.

Warbixintan ayaa lagu sheegay mid ka mid ah gaadiidka qaraxyada sida ayaa la sheegay in loo ekeysiiyay gaadiidka Shirkadda Adeegyada ee Sahal oo ka shaqeysa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis oo warbaahinta la hadlay markii kulanka uu soo Gabagoobay ayaa sheegay in tiro laba gaadhi oo qaraxyo sida ay ku jiraan magaaladda, Shacabkana ku booriyay in ay ka  in laga feejignaado. oo waxii ay ka shakiyaan la soo,socdsiyaan lamaha amniga ku shaqadda leh

Wasiirka Amniga ayaa war-bixin laga dhageystay, Wasiirka wuxuu sheegay in xaaladaha ay aad u fiican”yihiin, laakiinse uu jiro Gawaari Nooca looyaqaan NOAH oo loo soo ekeysiiyay mid ka mid ah Gawaarida shirkadda Sahal ee ka shaqeysa garoonka diyaaradaha ee Adan Cade International Airport, lana rabo in laga digtoonaado”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka uga digay Khatartaasi amni iyo inay ka feejignaadaan gaarigaasi NOAH ah iyo gaariga kale, laamaha ammaanka dowladda ayuu sheegay in lagu amray inay soo qabtaan gaadiidkaasi qaraxyada sida ee Magaaladda ku jira.

Waa markii u horeysay oo Xukuumadda Soomaaliya ay digniin ka soo saarto Gaadiidyo qaraxyo sida  oo ku jira magaalada Muqdhisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya isla markaana la wadaagto shacabka, waxaana maanta oo dhan magaaladda ka jiray dareen feejignaan leh iyo ciidamada oo meelaha qaar gaadiidka ka celinayay, shacabka ayaa feejignaan iyo Mahad celin ku soo dhaweeyay arinkan ugubka ah ee ay markii ugu horaysay Xukummadda Soomaaliya shacabkeeda kula wadaagtay khatartan ay xuraanka ku heleen Lamaha amaanka Soomaaliya.’

  • WWW.JIGJIGATIMES.COM
  • Maxamud Jigre

TOP Domains
About the Author

Leave A Response