Dawladda Djibouti oo dalkeeda ka caydhisay shirkadda DPworld

Posted on by jigjigatimes
Categorized as
44

Shirkadda dhiig ku naaxa ah ee DpWorld lagana leyahay Dubai ayaa maanta waxaa hilfaha u laabay Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, shirkaddan ayaa isku dir iyo dhac xoogle ka dhex abuurtay guddaha Soomaaliya waxana arintaas u adkeysan wayay madaxweynaha Jabuuti MudaneIsmaïl Omar Guelleh

Oo isagu ah shaqsiga kaliya ee sida  dhab ah uga naxa Soomaaliya markastana u taagan in uu hoy ka yidhaahdo cida ala cida uu umaleeyo in ay ku xadgudbeyso Soomaaliya iyaga oo ka fa,ideysanaya burburka iyo qalalaasaha Soomaaliya, ka taagan.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shirkad cusub oo boqol kiiba boqol ay jabuuti  leedahay ku wareejisay maamulka dakaddaha dalka taas oo Jabuuti ka dhigaya waddan u madaxbanaan hantidiisa ma,guuranka ah waana wax aad iyo aad loogu farxo loona soo dhaweeyo

 

Mark kobaad ,Mar labaad iyo Mar sadexaad mudan Ismaïl Omar Guelleh , gool geesinimo ayuu dhaliyay amaan iyo cisana wuu ku mudanyahay.

 

Maxamud Jigre

Jigjigatimes.

TOP Domains
About the Author

Leave A Response