Dr. ABIY AHMED OO LAGU WADO IN UU NOQDO RA,IISAL WASAARAHA CUSUB EE ETHIOPIA

Posted on by jigjigatimes

Dr. Abiy Ahmed, ayaa shalay loo doortay in uu noqdo Chairman cusub ee OPDO, kaas oo ay sadaashu u badantahay in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia kadib markii u xilkaas iska casilay Ra’iisal Wasaarihi hore ee Ethiopia Mudane  Hailemariam Desalegn, ninkan oo ah aqoonyahan ay abti u yihin Qoomiyadda Xabashida, ayaa tageero weyn ka heysta labada qomiyadood ee dalka Ethiopia ugu badan (Oromadda, iyo Xabashidda), taas oo fursad dahabi ah u siin karta  in uu nodo ninka badali,doona Hailemariam Desalegn.

Ethiopia waxaa ka jirtay ilaa mudo hada 3 sano ah dibad’baxyo waaweyn oo ay dhigayeen qomiyadda Oromadda iyo Xabashidda iyaga oo ka biyo diiday sida qalafsan ee ay ururk /EPRDF/TPLF, u maamulan  Ethiopia, Oromadda oo ah qomiyadda ugu badan Ethiopia ayaan waligood helin shaqsi iyaga ah oo noqdda hogaanka ugu sareeya Ethiopia, hadana dibadbaxayaalka marka aad dhageysato, hadaaqa ka soo yeedhaya waa in ay helaan isbadal dhab ah oo Ethiopia ka dhaca, hadii kala ay ka tashan-donaan waxii la,isku dhihi jiray Ethiopia, taasina waxa ay sababtay in ay Ethiopia gashay waji-cusub oo aan hada la sadaalin karin balse hadii doorkan ay Oromaddu wayaan xilka Ra’iisal Wasaare oo la keeno Ra’iisal Wasaare Gacan ku rimis ah waxaa cad in ay Ethiopia gali karto waji-cusub oo kala guur ah

Bahwadaagta EPRDF, ayaa hada wadda la xisaabtan iyo qiimeyn ay rabaan in ay ku ogaadan meesha ay sartu ka qudhansantahay, waxaana loo badinaya in ay markii kobaad, tarikhda cusub ee Ethiopia damacsanyihin ay wax ka badalaan sida ay dalka u maamulaan walow aysan jirin ifafaalo fiican oo arintas hada lagu qimeyn karo, hadii u mudane Abiy Ahmed Noqdo Ra’iisal Wasaraha Cusub ee Ethiopia waxa ay dad badan oo ka faalooda arimaha Geeska Africa,, Gaar ahaan Ethiopia sheegayaan in ay noqon karto isbadal dhab oo ka hir’gala Gobaladda ay Ethiopia ka koobantahay oo dhan, waxana dhici karta in ay wadanka ka dhacdo hal qof iyo hal cod oo xalaal ah uu shaqsi kasto doorto shaqsiga uu doorbidayo bari ka maalina kula xisaabtami karo shaqsigii u codeeyay waxa u nolashiisa ka badalay iyo wax kale.

  • JIGJIGA TIMES
  • Maxamud Jigre

 

 

TOP Domains
About the Author

Leave A Response