Haayada Cayda iyo Aflagaadada Xukumadda (DDSI)

Posted on by jigjigatimes

Bulsho isku tagta oo dhisata qeynuun iyo sharci ay ku kala baxaan waxaa la,yidhaahda Dawalad ama afka qalaad waxaa lagu yidaahdaa (Government ) dawlad markii la sii micneeyo waa koox ka tiro yar bulshada guud, kuwaas oo loo xilsaaray in ay bulshdda u noqdaan hogaan ama madax, kana difaacan Cadowga dibadda, Cadawga Gudaha ,Cadowga gaajada, iyo Cadawga jahliga, waxna ka tara baahidda Guddaha inta karaankooda ah iyaga oo aan ku takri’faleyn amaanadda loo eegmaday in ay adkeyaan oo aysan u isticmaalin wax ay iyagu khaas u leeyihin.

Shaqsiga uu (Ilahay) u qoray in uu noqdo Hogaanka ama Madaxweynaha Dawlad hebal waa in u leeyahay astaan wada,xisaabtan ah oo usan sharciga ka sareyn, usan u isticmaalin jagadda ama kursiga uu ku fadhiyo mid isaga kaliya u gaar ah oo usan haba,yaraate wax xil ah iska saarin ilaalinta amaanda ay bulshadda ay U dhiibatay, hadaba inta ku abtirsata Dawalad Degaanka Ethiopia waxaa awow ka awoow saarneyd heeryo qoyan o aysan wali baran sida la.iskaga qaado, hadii si,kale u dhigo Ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dawalad Degaanka Ethiopia waxa ay waligood ku jiraan in banaanka looga soo qoro shurudaha iyo sharciga ay ku dhaqmi karaan, taasina waxa ay keentay in ay bulshaddu kaliya aaminto wax ala waxii dusha looga keeno, iskana indho tiraan in ay isweydiyaan Su,aasha ah war, aayo ka taliska caruurteena ma waxaa iska leh shaqsiyaad yar oo dhig shubato ama Dhiig ku naax ah ah mise inaga ayaa iska leh waxa ardaageena loogaga dhaqmayo?

Waxaa ayaan daro ah in waligeen maskaxiyan iyo muruqba la,ina soo gumeysan jiray taarikhaha kala duwan ee Ethiopia, waxa uuna Deeganku ka hadhay qeyrkiis oo waxa aynu noqonay dad la cuno iyo dad iyagu dhexdooda intii dadbka la,isagu dhiibo is cuna oo aan fikir u laheyn in ay isweydiyaan waxa ka khaldan, iyo waxa ay mustaqbalka ka damacsanyihin maanta waxaa Deeganka ka taagan arin Calool xumo iyo niyad’jab weyn leh oo maanta fursad dahabi ah siisay taliska dhexe ee TPLF/EPRDF, oo helay waxii ay waligood ay ku taami,jireen ? riyadoodina waxaa u rumeeyay shaqsi inaga mid ah oo dhiig iyo dhalashaba ina,la wadaaga ( Mudane Cabdi Maxamud Cumar) ahna madaxweynaha Deeganka Soomaalida Ethiopia, inta u dhuun duleesha siyaasadda deeganka Degaanka Soomaalida Ethiopia, hoganka deeganku hadii u ugu bato sanad iyo xogaa ayuu xilka heyn jiray kadibna waa la badali jiray, waxana dhici jirtay in waliba xabsi mala,awaal ah la geeyo, madaama uu ka caga jiday in uu maankiisu siiyo in uu shacabkiisa laayo ama uu jeelka cadaab uga dhigo

  • Mudane Cabdi Maxamud Cumar, waxa uu noqday gacanyare dhago nugul oo ay seeftiisu tahay mid Af-sifeysan oo aan cid u jiir naxeyn, taasina waxa ay soo jidatay  dhagaha, qalbiga iyo indhaha  kaaba-ladariintii waligood ku taami jiray in ay helaan shaqsi la mid ah Mudane Cabdi Maxamud Cumar, waxa ayna ku abaal mariyeen in uu noqdo Madaxweynaha Deeganka Soomaalida Ethiopia, ahna amiirka ay taladu ka go,do inta ka sokeysa kaaba-ladariintii, Mudane Cabdi Maxamud Cumar waxa u ku dadaalay in usan waligiis niyad jabin kaaba-ladariintiisa, laba jibaarana tacadiyadda uu ku hayo dadkiisa, waxa uuna ka kasbaday in u yeesho Awood xad-dhaaf ah u kaligiis isku magacaabo oo u noqdo Madaxweynaha Deeganka, Af-hayeenka Baarlamaanka. Jananka ugu sareeya ee Ciidanka, Sharci dajiyaha Deeganka, Qaadiga Deeganka, Taliyaha, Booliska Deeganka, Canshuur qaadaha Deeganka, Maal galiyaha Degaanka, Gudoomiyaha Gobaladda, Garaadka/Suldaanka Deeganka, iyo waxii la mid ah, taasina waxa ay keentay in ay bulshadii ku dhacdo Maan-Guur xaga qalbiga ah ehelana ay ka dhigtaan Cabsi iyo niyad jab weyn doorbideena in ay durbaanka u garaacan wax ala waxii u isagu ugu jiheeyo xumo iyo wanaag,ba

Waxaa ayaan daro ah Degaanka Soomaalida Waxaa lagu yaqaan ehelu-diinka ugu sharafta iyo karamadda badan dhamaan Soomaali, maantana waxaan nahay dadka ugu dhaantada iyo danbiga badan maadama oo Cabsi darteed culumadii laga dhigay mid dhaantadda ku badasha kitaabki iyo mid ladilay ama la xidhay, jiilkii mustabalka soo korayayna laga dhigo kuwo dhaqan xumo lagu ababiyo oo aan loo,Abo.yeelin mustabalkoodda iyo cawaaqi-xumadda ka dhalan karta hadii ay tarbiyadu caruurta ka halowdo marka ay soo korayaan?

Maanta waxaa Hubaal ah in ay Caydu deeganka ka tahay qeyb weyn oo waliba Astaan looga dhigay in ay tahay Xisbi-siyaasdeed oo aan xita laga xishoneynin dumarkii lama taabtaanka ahaa, ee xita kuwa hubka isku qaata ay ka go’aneyd in ay maatida iyo dumarka ka saraan dagaalka oo aysan wax-yeelo ka soo gaadhin colaada labada dhinac

Maanta Deeganka Soomaalidda Caydu waaa haayad Dhaqaale iyo xafiisyo loogu soo hagaage-leh, shaqadeedana u qabsata si aan caadi aheyn, dhaqanka Somaaliyeed ee wanaagsan cayda dumarku waa Afka-lama-soomariyaan, oo dumarku waa asalka iyo unuga bulshadda soomaaliyed waana tarbiyada iyo wanaag faraha bulshadda, cayna waa ka salim, balse maanta taas waxaa cirka ku laalay Haayada Cayda iyo Aflagaadada xukumadda hada ka arimisa JIGJIGA ,waxana tusaale iyo xaqiijin kugu filan in aad ogaatid in ay haayadan ay shaqeyneyso Baraha ay bulshadu ku wada xiriirto sida, Facebook, Twitter iyo waxii la caano maala, waxana aad ka heleysa wax aad ka yaq-yaqsatid uuna qalbiga saliimkuna diido

Waa Caado ugub ah oo hada 8 jirsatay oo aan wali looga baran deeganka Soomaalida, waana in aan  xil iyo waajib iska saraa sidii aan uga hortagi laheyn inta aysan Haayadan Cayda iyo Af-lagaadu  noqon mid  qaan-gaadha, mar hadii ay Qaan-Gaadho way adkaan-doonta in la tirtiro mustaqbalka, Caydu ka daran Muqaadaraadka, waayo waxa ay badasha unuga hore ee jiilka soo koraya mar hadii u xadhiga hore xumadana way adagtahay si dib la’isagu sooho, oo looga dhigo xadhig wax xidhi-kar oo bari ka maalin marka uu reerku guuro loo,aayi doono

Ethiopia maanta waxa ay maraysaa meel cidii ka maqan kursiga wadda hadalka aysan laheyn fursad ay kula sii noolan karto bulsho-weynta kale ee Ethiopia madaama ay Ethiopia ku jirto xili kala guur ah oo cidkasta ay munaasab tahay in ay ka hadasho danaheeda gaarka u ah, Somaalidu miiska wada hadalka way ka maqantahay oo waxa ay sugeysa waa kaliya raqada neefka taasina waa ayaan daro qasab Bulshada Deeganka lagu ogoleysiyay, Deeganka Soomaalida ilahay waxa u ku maneystay wax aysan Ethiopia’yada kale laheyn oo ah xoolo lab iyo dhadigba isagu jira Gas,Saliid, iyo dahab aan wali la carsho-carsheyn, taasina waa qodobo aad la hor, imaan kartid dadka u wadanku idinka dhaxeeyo oo aad kula doodi kartid madama aad wax, wax ku-ool ah aad kursiga keeni kartid,

Balse waxaa ayaan daro ah iska daa in ay dadku ayahooda mustaqbalka ka wada hadlaane waxaa xafiisyo dakhli weyn lagu bixinayaa maanta in lagu caayo gabdho sharaf iyo karaamo ku leh bulshda dhexdeeda, madaama ay dad ay isku heybad-yihin ka hadleen tacadiga iyo dulmiga deeganka ka jira hadh iyo habeen, Soomaalidu waxa ay ku maahmahda ninkii Seexdu Sacii Dibi Dhalay. Maanta waxa ay aheyd in aan isweydino war Ethiopia wataas wajiga cusub yeelatee maxaan ka yeelnaa, waa su’aal aad u maleysid in ay tahay Suxuur laga adimay, balse uu jadiinku rabo in uu dhaadhiciyo, Maanta waxa ay aheyd in hogaanka Deeganku u yidhaahdo maanta ma aha markii aan inagu isku mashquuli laheyn ee maxaan Mucaarad iyo Muxaafidow ka yeela mustaqbalka deegaankeena, balse taas badalkeeda waxaa lagu badalay Cajal ma dhamaada ah oo Cay iyo Af-lagaado loogu geysanayo inta sida dhabta ah uga naxeysa ayaa ka talinta bulshda iyo dhulkooda

 

Maanta waxaan ka maqanahay miiska wada hadalka barina waxaa dhuumaha shidaalka qaada toos loogu qaadi doona Xaga iyo Djibouti oo nimcadii ardageena laga qoday waxaa ku ma caashi doona dad aan deganka u dhalan adiguna waliga Carada iyo cariish,baad ku nolaan xaga xolahagi Daaro iyo buundooyin dad,yow ugu dhistaan.(adiguna Macaashkaagu waa Ceebay taacal) 

  • Word of the day ha boodin adiga akhrin qoraalka oo dhan?
  • www.jigjigatimes.com

 

 

 

TOP Domains
About the Author

Leave A Response