DIBADBAX WEYN OO LOOGA SOO HORJEEDO DAWALADDA ETHIOPIA OO KA SOCDA WASHINGTON DC.

Posted on by jigjigatimes

‰ Qurba-joogta u dhalatay Ethiopia ee ku dhaqan Caasimadda Waddanka Maraykanka ee Washington DC. ayaa waxaa wakhti xaadirkan ka wadaan Dibadbax balaadhan oo loga soo horjeedo Dawaladda Ethiopia, Dibad-baxayaasha ayaa ku dhawaqaaya erayo isbadal doon ah iyo bogaadin, taagero ah ay u muujinayaan Dibad-baxayaasha gudaha Ethiopia, kuwaas oo  sanado ka wada dibad-bax, ay kaga soo horjeedaan habka qalafsan ee ay dawaladu u ula dhaqanto dadkeeda

Dibadbaxan ka socdda agagaarka Wasaaradda arimaha dibada Maraykanka ayaa waxa ay dibad-baxayaashu rabaan in ay dawalada Maraykanka ku booriyaan in ay Ethiopia kula xisaabtanto Deeqaha baddan ee ay siisyo sanad kasta kana dalbato in ay Ethiopia ka hirgasho Dimuqraadiyad dhab oo qofkasta uu madaxbanaan yahay xoriyatul qowlkiisa

‰ Ethiopia waxa ay ku jirtaa qalalaaso iyo daganaasho, la,aan siyaasadeed, oo baahsan, kadib markii ay labadda qomiyadood ee dalka ugu badan bilaabeen mudaharadyo ay ugaga soo horjeedaan xukunka TPLF, taasina waxa ay sababtay in u iscasilo Ra,iisal Wasare Hailemariam Desalegn, waxaa’na laga warsugaya cidda isaga badli-donta iyo wajiga cusub ee ay Ethiopia yeelan doonto mustaqbalka dhaw iyo kan fog, Qoomiyadda Oromadda ayaa lagu wadaa in ay doorkan hesho xilkaas muhiimka ah markii koobaad taasina hadii ay dhacdo waa fursad ay ethiopia ku soo ceshan-karto sumcadii ay caalamka ku laheyd balse, hadii ay Qoomiyadda Oromaddu heli weydo xilka Ra’iisal wasaaraha xiligan kala guurka ah waxa ay khuburo badan shegeyaan in ay Ethiopia gali doonto qalalaaso ka weyn kan ay hadda ku jirto.

  • ⇔JIGJIGATIMES⇔
TOP Domains
About the Author

Leave A Response