Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo isku Tanaasulay

Posted on by jigjigatimes

Siyaasiga caanka ah ee rer Kenya Mudane  Raila odinga iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta aasay khilaafkii siyaasadeed ee dhexdooda yalay, hadheyayna, huru socdka dalka Kenya, Baryahanba labadda masuul waxaa usocday wada hadal iyo gorafeyn waxa laga yeelayo Kenya, kadib dorashadii khadaadheyd ee ka dhacday Kenya, gushuna ku raacday Uhuru Kenyatta, una saluugay qaabka ay u dhacday dorashaadas Raila Odinga iyo xisbigiisa Orange Democratic Movement ama marka la soo gaabiyo (ODM)

Taasina waxa ay sababtay in Raila Odinga loo dhaariyo xil madaxweyne oo usan caalamku taagersaneyn balse dad badan oo kenya u dhashay ay soo dhaweyeen kadib markii ay salugeen sida ay doorashadii, dhawaan Kenya ka dhacaday, heshiiskan labadda masuul waxaa durba khilaafay masuliyiin ka tirsan xisbiga Orange Democratic Movement, kuwaas oo Raila Odinga ku eedeyay in uu iyaga baal maray kaligiisana uu la hadlay xisbul muxaafidka uu hogaanka u yahay Uhuru Kenyatta.

TOP Domains
About the Author

Leave A Response