CIDAMADDA ETHIOPIA OO DAD BADDAN KU DILAY MOYAALE.

Posted on by jigjigatimes
Warar hada isaso’taraya, waxaa lagu soo waramaya in ay dad baddan ay ku dhinteen magaladda Moyaale, kadib marki ay askarta dawaladdu xabad ku furtay dad ay uga shikiday in ay yihin ururka ka soo horjeeda, Ethiopia ee OLF, inta hada la xaqiijiyay waxaa dhimashadda lagu sheegay ilaa 9 qof walow ay dad kale sheegayaan in ay dhimashadu intaas aad uga badantahay,

Inkasta oo ay adagtahay xaqiijinta cadadka dhimashadda dadka  maanta lagu xasuuqay Moyaale ayaa waxaa lagu soo waramaya in ay dad badan ay ka qaxeen Moyaale ayna u gudbeen xadka Kenya iyo Ethiopia u dhexeeya madama magaladda mooyaale tahay magalo xuduudeed ay Wadagaan labadda wadan ee Jarka ah ee Ethiopia iyo  Kenya, Xaalka Ethiopia ayaa baryahan waxa uu ahaa  〈kildhi dabka saaran〉 oo waxaa in mudo ahba hadheeyay Ethiopia dibadbaxyo waaweyn oo ka socday qeybo badan oo wadanka ka mid ah

Dhacdadan maanta dhacaday waxaa laga yabaa in ay si xoojiso mudaharadka lagaga soo horjeedo dawaladda, waxana laga baqayaa in ay dhacdo shaqaaqoyin cusub oo  ay dad badan Naftooda ku wayaan, wararka qaar ayaa sheegaya in askartii geesatay dilkan fooshaxun laga saaray magaladda lana keenay askar cusub oo kuwa amniga suga ah

Shilkan wali ma,aysan ka hadlin dawaladda dhexe ee Ethiopia, balse Mucaaradka kala duwan ee ka soo horjeedda Dawaladda dhexe ee Ethiopia ayaa arintan ku tilmaamay in ay tahay dil aan loo aabo,yeelin oo lagu xasuuqay dad maati ah oo aan waxba galabsan

Dhawaan ayay aheyd markii u Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson uu boqday Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa una sheegay in ay Ethiopia ilaaliso xaquuqda dadka ka soo horjeeda dawaladda una tudhaan dadka mudaharadka nabadeysan wada, ee isbadal doonka ah.

Kala soco jigjiga times wararka.

TOP Domains
About the Author

Leave A Response