Dr ABIY AHMED OO LAGU WADO IN LOO MAGACAABO RA’IISAL WASARAHA CUSUB EE ETHIOPIA

Posted on by jigjigatimes

DR.ABIY AHMED ayaa lagu wadaa in uu noqdo RA’ISAL wasaaraha cusub ee Ethiopia waxaana lagu wadda in na’tiijada lagu dhawaaqo maalmahan inagu soo aadan, walaw ay jiraan warar sheegaya in maalinta bari ah lagu dhawaaqi doono in uu Dr.Abiy Ahmed noqodo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee hogaamin doona Ethiopia, warkan oo Aanan wali si dhab ah u xaqiijin ayaa waxaan la xidhiidhnay ilo lagu kalsoonan karo,oo ka run sheegay warkan hada soo dhacay, waxana in dhawaano ahba suqaa ku jirtay in ay Qoomiyadda Oromaddu sanadkan ka doorteen kala guur hadii aysan helen Jagadda Ra’iisal Wasaarenimo ee Dawaladda Ethiopia.

Qoomiyadda Oromadda ayaa ah Qomiyadda ugu badan qomiyaddaha kala duwan ee daga Ethiopia, walina ma aysan helin in ay qabato xilkaas muhimka ah, waxa ayna doorkan la soo baxeen siyaasad ka duwan tii hore ee lagu yaqaan waxa ayna sal iyo baar ka dhigteen isku duubni iyo raadinta isbadal siyaasadeed oo ka dhaca Ethiopia, taas oo soo jiidatay Indhaha caalamka, cadaadisna ku saartay in uu Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn xilka iska casilo, si isbadal waara dalka loogu helo, taasina waxa ay sababtay in si adag loogu loolamo cida badali doonta Hailemariam Desalegn, iyo qoomiyadda u ka imaan dono cida isaga badli doonta

DR. Abiy Ahmed waxa uu dhashay August 15, 1976 waxa uuna ku dhashay Magaladda Agaro ee Gobalka Jimma, waxa uuna ka soo jeedda qoyes isagu jira Oromo iyo Xabashi ah, Abihi Ahmed Ali waa nin Muslim ah Hooyadisana sida la sheegay waxa ay heysataa diinta masiixiga Dr.Abiy Ahmed waxa u dugsiga hoose sare ku qaatay isla Magaladda u u dhashay, waxa uuna jabhadii la’dagalami jirtay Gumeysigii dhargiga ku biiray isaga oo yar 1991 waxa uuna leeyahay khibrad askari madaama uu dagaaladi lagu jabiyay Dhargiga uu ka qeyb’qaatay

Dr. Abiy Ahmed waxa uu waxbarashadiisa bilaabay isaga oo wali askari ah waxa uuna bartay Maadada Computer Engineering,, waxa uuna ka qaatay MicroLink Information Technology College oo ku yaal Caasimada Ethiopia, Addis Ababa. Dr Abiy Ahmed halkaas ma uusan ku dhaafin waxbarashadiisa ee waxa uu aaday jamacad ku taal wadanka Koonfur Afrika, halkaas oo ku diyaariyay maado la xidhiidha xaga xidhiidhka ama Communications, waxa uuna sanadhii  2001 ilaa 2005 diyaariyay shahaado  lagu magaacabo Machine Dynamics Cipher:ED,  (AES encryption based on block cipher “the system which encrypts and decry-pt a data communication between two parties”.ka qaatay MicroLink Information Technology College  Dr.Abiy waxa uu Shahado kale ka heysta Jamacadda Greenwich University oo gacan saar la leh Jamacadda International Leadership Institute oo uu fadhigeedu yahay isala Adis Ababa, Dr. Abiy waxa uu waxbarashidiisa ku soo khaatimay Jamacadda Institute for Peace and Security Studies oo ku taal isala Adis Ababa waxa uuna heysta Ph.D

Dr. Abiy Ahmed wakhti xaadirkan waa Gudoomiyaha OPDO AMA Oromo People’s Democratic Organization Dr.Abiy waxa uu soo qabtay Jago muhim, waxa uu noqday Ethiopian Minster of Science and Technology, 2016-2017, DR.Abiy Ahmed waxana lagu tilmaama in uu yahay nin firfircoon oo jiheen kara siyaasadda qalafsan ee ay hada Ethiopia ku jirto. waxana lagu wadda in ay Oromadu iyo Xabashidu soo dhaweeyaan Magacaabida Dr.Abiy Ahmed, waxana laga yaaba in ay Qoomiyada Tigreyga iyo qoomiyadaha kale ee gacan saarKa la.lehay  ku qanci wayaan Magaacabidda Dr.Abiy Ahmed.

 

  1. Maxamud Jigre
  2. JIGJIGA TIMES

 

 

 

 

 

TOP Domains
About the Author

Leave A Response