IN AAN SOO DHAWEYNO DR. ABIY AHMED MA XUMA BALSE SU,AASHU WAA SOOMAALIDA ETHIOPIA MIYAA LOO TALIN MISE WAY TASHAN

Posted on by jigjigatimes

Shalay dabaaldagi bilowday waxaad wali sawaxankiisa ka sii maqleysa shucuubaha kala duwan ee ay Ethiopia wadanka u tahay, waxa ayna  si weyn u soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr.Abiy Ahmed oo ah nin dhalinyaro ah kana soo jeeda qoomiyadda Oromada abtina ay u yihin Qomiyadda Xabashida, Sidii caadada aheyd qoomiyadda soomaalidu waxa ay goobta lagu doortay Dr.Abiy Ahmed ka fadhiyeen banaanka oo waxa talo ama tusale ah ma aysan ku laheyn, taas oo markasta soomaalida ka dhigta in ay yihin Second Class Citizens, waxa ayna waligood aheyn kuwo arimahooda gudaha looga taliyo Addis Ababa,

Hadaba maanta waxaa Soomaalida Ethiopian horyaala laba wado oo  kala duwan, labadaas oo kala ah mid ay danahooda iyagu uga tashadaan iyo wado ah in ay arini iska ahaato sidii ay awal ahaan jirtay, labaduba waxa ay maanta horyaalan Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda deeganka, waana arin mudan in si qoto dheer looga wada hadlo, loo wada jeex-jeexo, la isku tanaasulo, dabateedna ay jiheeyan jihada ay yeelan doonoto DDSI, mustaqbalka dhaw iyo kan fog insha allah,

Iyada oo ay arimahaas culculus horyalaan aqoonyahankii iyo siyaasiyiinti deeganka ayaad mooda maanta in aysan jirin haba yaratee wax isku dhawaad ah oo ay isku fikir dhaafsanayaan mustaqbalka iyo aayaha deeganka, Ethiopia’yada maanta curad’ka ah hadii aysan jirin gacmo wada’jir ah oo u mideysan in ay Ethiopia’yadda kale ka soo dhacsadaan waxii uu tastuurka Ethiopia xaq iyaga usiyay, iyaga oo aan cidna uga daba fadhiyin in ay helaan kaalintooda,

Hadii ay taladu ina dhaafto maanta waxaa hubaal ah in jiilka maanta iyo kan danbe ee soomaalida Ethiopia, in u noqon doono madow madhaleys ah oo waligiis loo taliyo, waa in aynu maanta meel iska dhigna inta inaga la,inala dhexdhigay ee ah Waxaad tahay Dulmi DIID ,ONLF<UBO>BOOLI QARAN iyo waxii la caano maala, waa in aan maanta u istaagnaa in aan nahay dad isku mid ah oo hal ajando leh kuwaas oo iska dhigaya meel waxa yar ee ay ku kala duwanyihin.

Maanta ma aha maalinti aan durbaanka u garaaci laheyn dan aan ka aheyn in aan Ethiopia si xor ah u nidhaahno waxii hore ee aad deeganka uga barteen soo dhamaa waxaan rabnaa xaqa iyo xaquuqda aan ku leenahay Ethiopia taas oo uu tastuurku si dhab ah u qeexayo.

jigjiga times

Deeganku waa in u helaa tiradda saxda ah ee aanu xaqa u leenahay, iyada oo aan dusha nalaga sareynin shaqsiyaad meel laga soo dhoodhobay oo maqaar saar ah.

Deeganka, waa in uu Uelaa madax aan sharciga ka sareyn oo ay shacabku kula xisabtami karan xilka ay u dhiibteen

Deeganku waa in uu Helaa helida dawalad ilaalisa fayoqabka shacabka, 

Deeganku waa in uu helaa xoriyatul qawul uu shaqsi kasta oo u dhashay deeganka uu ka hadli karo waxa uu arko dhibka iyo ku’tagrifalka

Deeganku waa in uu helaa qeybtiisa kaga aadan kobaca dhaqaale ee ay Maanta Ethiopia ku tamayso.

Deeganku waa in uu Helaa dhalinyaro han weyn oo aan shaqsi ka sugin in uu xal u helo jiheynta mustaqbalkooda

Deeganku waa in uu Helaa in shaqsiga Qurbojoogta ahi u ku aamini karo hantidiisa iyo naftiisa isaga oo aan ka cabsaneynin in hantidiisa maalin cad laga qixiyo iyada oo aan sifo sharciyeed oo soo marin

Deeaganku waa in u Helaa in arimahada dhexdooda yaala ay iyagu si xor ah uga wada hadlaan iyaga oo aan dusha looga soo yeedhin waxa ay ka wada hadlayaan iyo jihada ay u socdaan

TOP Domains
About the Author

Leave A Response