Markii ugu horaysay Taariikhdda Xukuumadda Gacan ku rimiska ah ee hada DDSI ka Arimisa ayaa waxaa la helay Xildhibaan si cad u sheega in ay tacadiyaad balaadhan oo dhinac walba ah ay ka jirto deeganka

Posted on by jigjigatimes

Markii ugu horaysay Taariikhdda Xukuumadda Gacan ku rimiska ah ee hada DDSI ka Arimisa ayaa waxaa la helay Xildhibaan si cad u sheega in ay tacadiyaad balaadhan oo dhinac walba ah ay ka jirto deeganka, kaas oo uu sida uu sheegay iyo sida xaqiiqada ahba uu deeganku isku badalay meel aysan ka jirin sareynta sharciga, uuna deeganku u xidhanyahay dad gacan ku tiris ah oo aan matalin dhamaan bulsho’weynta dagan deeganka

Xildhibaan Cali Maxamuud Cabdi Cali Geeddi ayaa idaacada Voa Somali u sheegay in usan awoodin in uu waraysi xor ah la yeelan karo idaacado ama wargeys isaga oo jooga Gudaha magaaladda jigjiga,sababo la xidhiidha amnigiisa waxa uuna Idaacada u sheegay Goobta uu ku sugnaa marka uu bixinayay Waraysigan Dhifta ah xildhibaanka ayaa ku sugnaa Magaladda Shabeelay halkaasna uu uga sii jeedo caasimadda dalka ee Addis Abab si uu ula wadaago dawaladda dhexe ee Ethiopia iyo Hayadaha Xaquuqul Insaanka Caalamka tacadiga baladhan ee dhinac walba leh ee ka jira deeganka Soomaalida

Ethiopia hada waxaa ka jira isbadal uu raysal wasaare Dr.Abiy Ahmed Balanqaaday in aysan jiri doonin hada waxii ka danbeeya cabudhis iyo cadaadin loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan Ethiopia oo aysan Ethiopia u xidhnaan dooni cidyow gooni ah oo calashood u shaqeystayaal ah oo aan ka fikireynin dantoda mooye danta guud , shacabka adeeg loo qabto iska daaye waxaa laga dhigay dad aan xitaa kor u qufici karin oo aan iska soo fujin karin hadalka laabta kaga ladhan waa in wanaag iyo ciso loogu daraa dad sida nabada ah fikirkooda u cabiraya waana xili fiican oo ay siyaasiyiinta deeganku u soo jeedsan laheyn sidii loo sixi lahaa wax’yaalo badan.

Mida kale Ururka Dulmi Diid ayaa si weyn u soo dhaweeyay Xildhibaankan muujiyay Dal iyo Dal jaceylka, kuna dhiiraday in u isaga oo marxalad adag ku jira u dulqaadan wayay in u ka sii aamusanaado tacadiga maalin laha aha ee lagu hayo bulshadda yar iyo weyn, waxa ayna ku boorinayaan in ay xildhibaandda deeganka u dhashay yeeshan geesinimadda cabsidda shaqsiga meel iska dhigan una gurmadaan bulshadda ay matalaan, kuna dhaarteen difaacida fayo’dhawurka bulshadda ay magacooda kursiga ku fadhiyaan

Hoos ka dhageyso Waraysiga Xildhibaan  Maxamuud Cabdi Cali Geeddi oo dhameystiran

Xildhibaan Ka Tirsan DDSI oo Eedeeyay Maamulka

http://www.Sefiy.com

TOP Domains
About the Author

Leave A Response