QEYB KA MID WAFTI BALAADHAN OO KA MID AH DULMI DIID-NORTH AMERICA OO SI NABAD AH UGA DAGAY EUROPE

Posted on by jigjigatimes

Qeyb ka mid ah wafti balaadhan oo ka mid ah ururka ku bahoobay Dulmi Diid ayaa waxa ay si weyn loogu soo dhaweeyay Qaradda Yurub kaas oo dhawaan la filayo in uu ka qabsoomo shirweyne ay soo abaabuleen Jaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan Yurub Gaar’ahaan Bulshadda ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan Caasimadda Sweden ee Stockholm, waftigan waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI, Mudane ABDINUUR HASSAN AABI iyo Afhayeenka Dulmi Diid Mudane BASHIR GARAAD, Waxana si weyn ugu soo dhaweeyay Jaaliyadaha DDSI ee ku dhaqan Qaarada Yurub, Hadaba Maanta oo ay Taarikhdu tahay 04/004/18 waxaa Maraykanka ka bixi doona wafti xoogan oo isku jira aqoonyahano iyo mudanyaal ka tirsan Ururka dulmi diid

Iyaga oo ka qeybgali doona shirka baladhan ee ka dhici doona Sweden, gaar ahaan Stockholm, kaas oo ay soo abaabulen bulsho-weynta soomaaliyeed ee ka soo jeeda deeganka soomaalida Ethiopia, hadii aan magac dhowno masuuliyinta maanta ka amba-baxaysa maraykanka waxaa ka mid ah Mohamed Suldan Bade, ahna Gudoomiyaha Guud ee Qoomiyaddaha Ethiopia ee North America, Ahna xubin Halbowle ah ah oo ka tirsan Gudiga sare ee Ururka Xaq u diriirka ah ee Dulmi Diid, waxaa kale oo weheliya Suldaanka Professor Abdi Ahmed ahna Mulkiilaha Company’ga weyn ee Netserve Systems, Inc.  ahna shaqsi aad caan uga ah waqooyiga Ameerica Gaar ahaan Gobalka California ahna masuul ama xubin muhiim  ururo Caalimi ah oo aan halkan lagu soo koobi karin magacyadoda iyo baxada ay leeyhin

Waxaa kale oo weheliya Ganacsade Mudane Khadar Jigre Adan,oo ah Xubin Halbowle ah oo kana tirsan Gudiga sare ee uruka xaq u dirirka ah ee DULMI-DIID, ahna shaqsi indhihiisa ku soo arkay dhibka iyo tacadiga lagu hayo bulsho-weynta degaanka madaama uu horseed ka ahaa qurbojoogtii ugu horeysay ee maal gashada dhulkooda hooyo, waxa kale oo weheliya masuuliyiinta kor ku xusan, mooye dad badan oo anan magacyadooda hada heyn balse ah dad mugweyn oo ka soo jeeda deeganka naftooda iyo maalkoodana u huray sidii isbadal waara uu deeganku ugu naaloon’laha mustaqbalka dhaw iyo kan fag insha allah

Shirkan 04/07/18, ee ka dhaci doona Sweden waxa isagu imaandoona dad badan oo ka wada imaan doona dhamaan daafaha aduunka si ay u muujiyaan in ay aysan ka aamusi karin tacadiga ka jira dhulkooda hooyo, ayna rabaan in uu isbadal dhab ahi ka dhaco deeganka, ayna marnaba u dulqaadan doonin Xukuumad gacan ku rimis ah oo dusha laga soo dhoodhobo.

  • Xaqu ha shaqeeyo

  • Ha ka aamusin Dulmiga

  • Ha ka seexan inta uu walalka dulmanyahay

  • U dibjir in aad nolasha bulshoweyntada wax ka badashid

  • U hur Naf iyo maal

  • Ka qeyb Qaado wacyi Galinta iyo Baraajujinta Dadkaga

  • Maskax iyo Maal gasho Dhulkaaga hooyo

  • Ha sugin inta ay cid kale Dhulkaaga ku hagaajineyso

  • Geed dheer iyo Geed Gaaban ugu Fadhiiso si loo helo Nabad, Cadaalad, Sinaan iyo Wada Noolasho ku dhisan isqadarin iyo lexlo jeclo wadan.

  • Mahad kaliya Ilahay ayay U sugnaatay

TOP Domains
About the Author

Leave A Response