EHELKA IYO HAYADDAHA XAQUUQUL INSAANKA OO DALBANAYA IN SI BILAA SHARUUD AH LAGU SII DAAYO MUDANE C/RAXMAAN MUHUMAD ALI KAHIN (ABDIRAHMAN QALAF)

Posted on by jigjigatimes

Ehelka iyo hayaddaha u dooda xaquuqul insaanka ayaa waxa ka codsanayaan Dawalad deeganka Soomaalida Ethiopia uu gadh-wadeenka ka yahay Cabdi Maxamud Cumar ay si bilaa sharuud ah u sii’dayan  C/RAXMAAN MUHUMAD ALI KAHIN (ABDIRAHMAN QALAF) kaas oo in mudo ah ku xidhnaa xabsiga weyn ee Jail Ogaden, laguna xukumay 3 sano oo aan hab cadaalad ah loo soo marin Masuulkan ayaa ah xubin ka mid aha haldoorka Dawalad Deeganka Soomaalida Ethiopia, ahaana Guddoomiyihii hore degmadda RAASO C/raxmaan Qalaf oo xabsiga dhexe Jigjiga loona yaqaan Jail Ogaden.isaga oo  ku xiran ku 3-sanadood iyo dheeraad, waxaana laga deyrinayaa caafimaadkiisa oo aad u liita.

Waxaa lagu soo waramaya in u Cabdiraxaman Qalaf Qabo Cuduro ay ka mid’yihin Dhiig’kar, Macaan iyo wadno xanuun, cuduradaas oo u bahan baxnaanin joogta si cafimaadkiisa loo ilaaliyo, xabsuguna usan awoodin in uu daboolo ka warheynta cafimaadkiisa guud madama ay Masuulkan haleelen cuduro u bahan in si dhaw loga war qabo fayo’qabkiisa

Masuulkan oo meelo xilal badan ka soo qabtay dawalad deeganka ayaa waxaa lagu xasuusta in u ahaa masuul markasta xil iska saaro bulsho’weynta uu matalo, saaxib dhawna la ahaan jiray Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar, waxana Xabsiga loo taxay xili uu magaladda Nairobi uga soo noqday hawlo la xidhiidha xanuunada kor ku xusan ee isaga haya, lamana sheegin sababta iyo waxa uu galabsaday ee u wali xabsiga ugu sii jiro masuulkan u baahan cafimaadka joogtada ah

Sida ay ilo xog-ogaal ahi noosheegan Masuulkan ayaa waxa uu si sharciyan ah aad ugu olaleeyay sidii ay Belweynta Sharafta badan ee Reer FIQI CUMAR u heli lahayed xaquuqdii ay ku lahayeen dawalad deeganka Soomaaliada iyo waliba Dawalada Dhexe ee Ethiopia. waxana masuulka lagu Cadaadis lagu saary in u hawalahaas xaq u raadinta bulshadiisa in u faraha ka qaado, kuna amaro in uu qeybo Ka mid Baali laga raro ama ka barakiciyo beesha uu matalo ee magacooda iyo maamustooda

Taasna u Guddoomiyihii hore degmada RAASO C/raxmaan Qalaf ku muteysto in xabsiga dhexe ee Jigjiga, la dhigo, kuna jiro hada mudo dheer, oo walibana hada cafimaadkiisa oo aad u liita usan xamilin in u ku sii jiro xabsi bilaa daryeel ah oo usan heli karin dawooyin uu cudurada haya kula tacaalo.

Hadaba Ehelka, Hayadaha Xaquuqul insaanka Duubka iyo Belweynta Fiqi Cumar waxa ay si bilaa-sharuud uga codsanayaan Dawalada u gadhwadeenka ka yahay Cabdi Maxamud Cumar in ay si bilaa’sharuud ah xoriyadiisa ugu soo celiyaan  C/RAXMAAN MUHUMAD ALI KAHIN (ABDIRAHMAN QALAF), belweynta Fiqi Cumar waxa kale ay codsaneysaa in dhamaan la sii daayo dadka sida sharci darada ah ku xidhxidhan, hadii ay jiraan dad danbi cad lagu hayana cadaalad xalaal ah la mariyo.

TOP Domains
About the Author

Leave A Response