GUDDIGA DHEXE EE DULMI DIID OO U BOORSO XIDHANAYA SAFARKA ADDIS ABABA

Posted on by jigjigatimes

jigjiga times

Gudiga sare ee Xaq u dirirka Dulmi Diid ayaa dhawaan u anba-bixi doona Caasimada Addis Ababa iyaga oo shirar kula yeelan doona Lamaha kala duwan dawaladda Ethiopia ururka Xaq u dirirka Dulmi DIID ayaa waxa uu ku faafay Calamka iyaga oo cadaadis ku saray Dawalad deeganka Somalilada Ethiopia in wax laga badalo habka loola dhaqmo bulshadda laguna maamulo sharcuucda deeganka iyo kan dawaladda dhexe ee Ethiopia, balse ay wali iska indho tirayso dawaladda uu hogaanka ka yahay Cabbdi Maxamud Cumar, kaas oo u adeegsada deeganka sida shirkad uu isagu leeyahay oo u gaar ah ookale ,hadaba gudiga sare ee Dulmi Diid ayaa dhawaan la kulmi doona Dawaada dhexe ee Ethiopia iyo waliba siyaasiinta, wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda Deeganka Soomaaliada, Waftigan heerka sare ee  ah awaxa ay isaga wada imaan donaan wadamada Maraykanka iyo meelo badan oo ka mid qaaradda Europe.

Hadaba Shirkan dhawaan ay ugu kicitamayaan Addis Ababa gudiga sare ee Xaq U dirirka Dulmi DIID, Ayaa ku soo beegmaya xili ay dawaladda yeelatay Raysal Wasare cusub kaas oo markii kobaad loo dortay nin ka soo jeeda Bulshadda ugu badan Ethiopia ee Oramadda, ka dib markii ay Ethiopia ku soo jirtay xili qalalaaso ah oo uu kacdoon xoogan ka jiray Gobalka Oromadda iyo Gobalka Axmarta iyaga oo isbadal dhab ah ka dalbanayay Dawaladda dhexe ay hogaanka ka ahayeen TPLF,

Raysal Wasare Dr.Abiy Ahmed, ayaa balan-Qaaday in u wax weyn ka badali doono Guud ahaan Ethiopia isaga oo sheegay in u wadanku ka dhexeyo Mucaarad iyo muxaafid, aan dib danbana loo cabudhin doonin shaqsi ama Group si nabad ah ku doonayo in wax laga badalo hab-dhaqanka lagu maamulo Deeganda ay ka koobantahay Ethiopia, waxa uu safarkiisi kobaad ka bilaabay deeganka Soomaalida isaga oo khudbad dheer ka soo jeediyay una balan qaday bulsho weynta deeganka Soomaalida iyo guud ahaan Shacabweynaha Ethiopia in aysan cayaartu sideedi hore ahaan jirin ee uu wax weyn ka qaban doono cabashadda dhabta ah ee ay bulshda Ethiopia ka tirsaneyso dawaladda dhexe

Isku soo wadda dubo Dulmi DIID oo hada 6 bilood jirsaday waxa uu soo hoyiyay guulo wax ku ool ah oo seexasho iyo hadh u diiday taliska sare ee u hogaanka ka yahay cabdi Maxamud Cumar, kuwaas oo isku dayay in ay lacag iyo balan qaadyo kala duwan ku aamusiyaan Dulmi DIID balse xaq u dirirka kuma usan aamusin, Gacan haadin iyo shilin doorna biday in la helo cadalad loo wada simanyahay oo usan cidna cida kale qasab ugu dul nolaan karin

 

Dulmi diid ayaa lagu wadaa in u bishan dhamaadkeeda ka dago caasimada Addis Ababa kaas oo dhakafaar iyo hurdo la’aan ku ridi doonta inta jecel kali dhuuqa dhiiga shacab weynaha deeganka Soomaalida, waxana dhawaan inagu soo wajahan isbadal dhab ah oo ka taama qaada deegankeena/dhulkeena iyo dad keena Wanaagsan.

TOP Domains
About the Author

Leave A Response